Published:

Weftiga Guddoomiyaha ayaa u kuur galay sida bulshadu isu diwaangelinayso waxa uuna booqday goobaha diiwaangelintu ka socoto.

Hawladeennada diiwaangelinta ayaa Guddoomiyaha uga xog-warramay habsami u socodka diwaangelinta, waxa uuna bulshada ku boorriyey in ciddii aan hore isu diiwaangelin iyo dhallinyarada qaan gaadhay qaatan kaadhka codbixinta kana faa’iidaystan fursaddan muhiimka ah ee mar kale dib loogu bilaabay diiwaangelinta.

Guddoomiyaha waxa sidoo kale socdaalkiisa ku weheliya mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Afhayeenka Xisbiga Mr Barkhad Jaamac Batuun, Xoghayaha Arrimaha Gudaha Me Maxamed Faarax Cabdi, Xoghayaha Arrimaha Bulshada Mr Maxamed Sidiiq Dhamme, Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada Heer Qaran Mr Cabdirashiid Cabdi Jaamac, Xoghayaha Gaarka ah ee Guddoomiye Mr Cabdilqaadir Iidle iyo mas’uuliyiin kale oo heer Gobol ah.

     

News Related