Published:

    

Ciidamada milatariga ee dawladda Itoobiya ayaa amar lagu siiyay in ay billaabaan duullaan ka dhan ah caasimadda gobolka Tigray ee Maqalle, halkaasoo la aaminsan yahay inay xuddun u tahay hoggaanka TPLF.

Amarkan waxa bixiyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo sheegay in maamulkiisa uu ka dhammaaday dulqaadkii, kaddib markii ay hoggaanka Tigray ka dhaga adaygeen saacadihii sida uu sheegay uu u qabtay inay isku soo dhiibaan.
Mas’uuliyiinta xoogagga Tigray-ga ee xisbiga TPLF, oo maamula Maqalle waxay wacad ku mareen inay dagaalka sii wadi doonaan oo aanay marna ka suurtoobayn in ay isdhiibaan.
Bixinta Amarka howlgalka dhimashada ee Abiy Axmed iyo diidmada TPLF, midna wax badan kuma kordhinayo xaalada Dagaalka, sababtoo ah 72 saacadood oo uu Abiy u qabtay hogaamiyeyaasha Tigray marna ma istaagin Dagaalku.
Sidaasi darteed waxa lagu tilmaamay arrintaasi mid hanjabaad iyo cago-juglayn ah oo uu doonayo in uu Kooxda Tigrayga ku cabsi geliyo amma uu uga gacan haadiyo dad shacab ah.

Hase yeeshee, waxa xaqiiqo ah in Dagaalka ka socda Gobolka Tigray uu yahay mid aan saacado laysu qabto lagaga geyoonayn, TPLF-na waxa la rumaysan yahay in aanay xilligan iyo wakhti dhow toona aan laga filaynin in ay gaadho heer awood la’aaneed oo ku khasbaysa in ay isdhiibaan.

“72 saac ee la soo dhaafay, waxaa isa soo dhiibay kumannaan ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Tigray, maleeshiyaadka u dagaallamaya iyo dhalinyaro badan oo arkay dhagarta ay wadaan TPLF,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Farriintaas ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay intii karaankooda ah ilaalin doonaan noolasha dadka rayidka ah ee lagu qiyaasay nus milyanka qof ee ku nool Mekelle.

Taangiyada iyo hubka kale ee culus ee milateriga Itoobiya ayaa la filayaa inay galaan magaaladaas xarunta u ah taliska TPLF ee dagaalka kula jira xukuumadda Addis Ababa.

Xaqiijinta sheegashada dhinacyada dagaallamaya ayaa aad u adag, maadaama ay xaddidan yihiin wararka la heli karo, halka telefoonnada iyo internet-kana ay go’an yihiin.

Si kastaba ha ahaatee saacadaha soo socda ayaa laga war sugayaa wixii ka soo baxa dhaqaaqa howlgalka dhimashada.

 

News Related