Published:

    

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furay kulan hawleed.

Kulankaasi oo lagu dersayo siyaasadaha iyo hageyaasha waaxyaha baadhista gudaha ee wasaaradaha iyo laamaha dawladda.

Iyo sidoo kale isticmaalaha nidaamka maamulka maaliyadda oo la sameeyay.

Kaasoo loogu tallo galay in ay ku shaqayn doonaan waaxyaha hantidhawrka gudaha ee wasaaradaha dawladda, waaxyaha IT-ga iyo xisaabiyaha guud.Nidaamkaasi ayaa markii hore lagu diyaariyay luuqa English-ka, isla markaana falan qayn iyo doodo hore looga soo yeeshay.

Hase yeeshee waxaa markii danbe loo bedelay Af-Soomaali, nidaamka shaqadda dawlada Somaliland èe lagu hawl gelayo awgeed.

Furitaanka kulan hawleedkaasi waxaa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda, agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda iyo xidhiidhiyaha mashruuca PFM-ka ee wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale waxaa kulan joogay xubno ka socday xafiiska xisaabiyaha guud ee qaranka, hantidhawrka, khabiirro aqoon u leh baadhsita hantidhawrka iyo masuuliyiin kale.

News Related