Published:

Dhalinyarada Lagu Dilay Qaraxa GELATO DEVINO Ee Muqdisho 11 2020.
Dhalinyarada Lagu Dilay Qaraxa GELATO DEVINO Ee Muqdisho 11 2020.
    Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax ismiidaamin ah oo xalay lagu qaaday goob lagu caweeyo oo kutaala agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, ayaa ururka Al-shabaab sheegeen inay ku dileen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo xubno isugu jira sirdoon iyo ilaalada gaarka ah ee qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab waxay sheegeen in qaraxan uu ka dambeeyay dagaalame naftii horre ah oo isku qarxiyay makhaayad kutaala wadada isku xidha isgooyska Lambar Afar iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Al-shabaab waxay sheegeen in ay weerarkan kusoo beegeen xilli uu maalintii shalay Muqdisho soo gaadhay wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka Christopher Miller kaas oo saacado kooban ku sugnaa garoonka diyaaradaha.

Marka laga tago sheegashada Al-shabaab, qarixii xalay, ayaa waxaa ku dhintay dhalinyaro badan oo aqoonyahanno ah oo aan dowladda ka tir

News Related