Published:

    

Xuska maalinta saxaafadda Somaliland ayaa maanta si balaadhan loogu xusay magaalada Hargeysa.

Munaasibadan lagu xusayay maalinta Saxaafada Somaliland ayaa ka dhacday Huteel Ambasador.

Waxaana munaasibada xuska isugu yimid wariyeyaasha iyo hawl-wadeenadda warbaahinta, hogaanka ururka Solja, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, weriyeyaashii munaasibada ka soo qayb galay ayaa la gudoonsiiyay abaal-marin loogu magacdaray allah ha u naxariistee Marxuum Wariye Axmed Xasan Cawke, kuwaasi oo ku tartamayay barnaamij la xidhiidha arimaha bushada.

Sannad walba bishan 09-ka November ayaa la xusaa maalinta saxaafadda Somaliland, taas oo warbaahintu isla garteen in maalinta loo asteeyo maalin la xuso saxaafadda Somaliland.

             

News Related