Published:

    adaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta qaabiley wefti ka socday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Weftigaasi oo uu hoggaaminayey wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Jabuuti Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo dalka Somaliland u yimi hawlo shaqo oo ay labada dal iska kaashan-doonaan.
Kulankan Madaxweynuhu ku qaabilay wasiirka ayaa ku soo beegmaya dardar-gelinta xidhiidhka walaalnimo, iskaashi iyo derisnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ka dhexeeyey oo muddooyinkii u danbeeyey ay labada dal xoojiyeen.


Waxaana muddo bil gudeheed ahna ay laba wefti oo ka socda dalka Jabuuti soo gaadhaan Somaliland, kuwaas oo u socday horumarinta iyo adkaynta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dhinac.
Waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirrada xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga iyo Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland.

Markii kulankaasi soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo Wasiirka Biyaha ee dhigiisa Jabuuti ku soo dhaweeyey dalka una sheegay inuu joogo waddankiisii labaad.

Waxaanu yidhi “Wasiir Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) waxaan kugu soo dhaweynayaa Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan leeyahay waa dalkaagii hooyo.
Runtii waxaa noo sharaf ah inaan iskaashi hor leh oo Biyaha Beeraha Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ah aanu wadaagi doono annaga iyo wasiirku, waad nala arki doontaa dalka waanan kusoo marin doonaa meelo badan oo kamida haddii Alle idmo”.

Geesta kale Wasiirka Biyaha, Beeraha, Xannaaanda Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee waddanka Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali), oo isna ka dareen celiyey soo dhaweynta ballaadhan ee loo sameeyey.
Waxaanu xusay inuu u socdo horumar ballaadhan oo ay ugu horayso Biyaha.
“Waxaa ii mahada, sharafna ii ah annigoo waddankaygii labaad jooga xuduudkuunbaa nakala haya ee ummad ul iyo diirkeed ah ayaa ku wada nool, oo maanta annigu meel ajaaniba ma joogo
Waxaanan u imi sidii walaalahay iskaashi isku dhaf ah oo xagga biyuhu ugu horayso, kuna xigaan Beeraha Kalluunka iyo waxyaalo kale oo badan, aan ka wada tashano oo aanu samayno iskaashi horumar dhaqaale, annigu siyaasad uma socdo Wasiir Horumarineed baan ahay”ayuu yidhi wasiir Soomaali.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Xuduudada aanu la leenahay Somaliland aaggaa naga soo horjeeda oo dhan inaan wax isla qabsano, inaan ceelal labada dhinacba ka samayno, waa dad isku mid ah, waa dad walaalo ah. Waa wajigii ugu horeeyey kuwa kalena waa ku xiggi doonaan, wasiirka biyaha waan la shaqayn doona, kuwa kalena waan wada tashan doonaa, cimiladii waa tan is bedeshay harraad baa ugu daran harraad qofkuu hayana wax ka horeeyaa ma jiraan”.

News Related