Published:

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Dalka Maraykanka Joe Biden iyo ku-xigeenkiisa Karmala Harris.

Madaxweynaha oo qoraal ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa Joe biden iyo Karmala Harris ku hambalyeeyay guushii ay ka gaadheen doorashadii Salaasadii la soo dhaafay ka dhacday dalka Maraykanka.

Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland oo ah xulafo la isku hallayn karo ay diyaar u tahay inay Madaxweynaha cusub ee Maraykanka kala shaqayso dimuqraadiyadda iyo amniga Adduunka “Anigoo ku hadlaya Magaca Dawladda iyo Shacabka Somaliland waxaan Hambalyaynayaa Madaxweynaha la doortay Joe Biden iyo Madaxweyne ku-xigeenka la doortay Karmala Harris..” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu intaa ku daray isla-markaana uu farriin u diray Madaxweynaha loo doortay Maraykanka “Somaliland, iyada oo ah saaxiib la isku halleyn karo iyo xulafo, waxay diyaar u tahay inay kula shaqeyso dhanka xoojinta dimuqraadiyadda iyo amniga Adduunka” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

News Related