Published:

    

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, waxaana Madaxweynaha iyo Waftigiisa si balaadhan loogu soo dhaweeyey Deegaamada u dhexeeya Gabiley iyo Boorama, halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo, Salaadiin iyo Dadweyne tiro badan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka qeybgalay Xaflada qalin jabinta Dufcadii 5aad ee Jaamacada Horn Internatioal ee Magaalada Boorama taasi oo ay ka qalin jabinayeen Arday ku dhaw 150 Arday oo  dhamaystay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacada.

Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo, Salaadiin iyo qaar kamida Xubnaha Golaha Wasiirada oo madataashi qalin jabinta ka hadlay ayaa Hambalyo iyo duco u diray Ardayda dhamasatay heerka koobaad ee Tacliinta sare waxaana ay ku boggaadiyeen inay halkaasi kasii waddaan dedaalkooda.

Gebagebadii Madaxweyne ku xigeenka Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay ayaa Hambalyo u diray Ardayda, sidoo kalena waxa uu u mahadceliyey Maamulka Masuuliyiinta Jaamacada iyo Waalidkii lasoo dedaalay, Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in Aqoontu ay tahay ta lagu gaadhi karo horumar islamarkaana waddankeenu u baahan yahay.

Waxaana goobtaasi ka sheegay inuu kasoo laabtay Safar shaqo oo uu ku tegay Waddanka Isu-taga Imaaraadka Carabta, isla markaana uu kulamo kula soo qaatay qaar kamida Shirkadaha waa weyn ee Maalgashiga iyo Ganacsiga,  qaar kamida Dhakhtarada waddankaasi oo ay kasoo wada hadleen sidii ay aqoonta iyo qalabka casriga usoo gaadhsiin lahaayeen Waddanka Somaliland isagoo xusay inay dhawaan hirgeli doonaan  guulahaasi.

Ugu danbayntiina waxa uu Madaxweyne ku xigeenku halkaasi Shahaadooyin ku guddoonsiiyey Ardayday qalin jabisay isagoo duco iyo hogga-tusaalayn isugu daray.

        

News Related