Published:

    

Guddoomiyaha Komiishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland Maxamed Baaruud, ayaa sheegay in Xabsiyada laga siidaayo eedaysaneyaqsha dadka ladan.
Sida Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta ku kaca Falalka uu kufsigu ka mid yahay.
Guddoomiye Maxamed Baaruud, ayaa sheegay inay xabsiyada Somaliland ay ka buuxaan dad Masaakiin ah oo aan qabsan karin looyarro u dooda.
Halka laga siidaayo dadka hantida haysta iyo siyaasiyiinta jeebkoodu buuran yahay.
Arrintaasina tahay Caddaalad-darro si weyn u muuqata.
Waxaanu yidhi “Waxa la noo soo sheegay dadka wax kufsada ee Ladan, sida dad Ganacsatada ah iyo Dad siyaasiyiin ah oo madax ah in iyadoo maxkamado Xukumeen oo Kufsi lagu caddeeyay la siidaayo.”
Maxamed Baaruud, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyey munaasibad Hargeysa lagu qabtay oo lagaga hadlayey Tacadiyada loo geysto Dumarka.
Geesta kale guddoomiyaha Komiishanka xuquuqal iinsaanka ayaa carabka ku adkeeyay in ay maxkamaduhu xukunaan dadka jilicsan ee aan looyar u doodda qabsan karin.


“Maxkamadaheenu waxay xukumaan uun Dadka jilicsan, bal u fiirso Dadka jeelasha inoogu jira, waxa ka buuxa Dad masaakiin ah oo aan looyar loo qabanin, iyaguna qabsan karayn Looyar (u dooda).
Laakiin, Ninkii Ladnaa Looyar buu qabsanayaa, Xildhibaan u ordaya, Wasiir baa u ordaya, Cid walba waxay daba cararraysaa Qofkaa ladan, waalla siidaynayaa oo waxba lagu qaadi maayo (Xukun)…” ayuu yidhi Maxamed Baaruud.

 

News Related