Published:

Mohamed Bin Salman
Mohamed Bin Salman
    

Dhaxal Sugaha Sacuudiga Mohamed bin Salman ayaa la sugaya inta uu maamulka Joe Biden xilka kala wareego kan Trump, si uu xidhiidh rasmi ah ula yeesho Israel, waxaa sidaas weriyey Reuters iyo Wall Street Journal.

“Caadiyeynta xidhiidhka waa soo jiidasho diiradda Biden looga weecinayo arrimaha kale ee Sacuudiga, gaar ahaan xuquuqda aadanaha,” waxaa sidaas yidhi diblomaasi la hadlay Reuters.

Bin Salman ayaa lagu warramay inuu diyaar u ahaa inuu xidhiidh la yeesho Israel hase yeeshee qorshahaas uu beddelay kadib markii uu Biden ku guuleystay doorashada Mareykanka, si aanu u lumin fursad uu u adeegsan karo inuu ku dhowaansho uga sameysto maamulka Trump.

Mohamed bin Salman ayaa aad ugu dhowaa maamulka Trump, hase yeeshee waxaa la filayaa inuu xukunka ka tago 20-ka Jenaweri.

Dhinaca kale, Reuters waxa ay werisay in kulankii uu Axaddii hore Mohamed bin Salman la yeeshay ra’iisal wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu laga qariyey boqorka dalkaas islamarkaana ah aabihii Salman bin Abdulaziz.

Kulankaas oo ka dhacay Jeddah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo Sacuudiga ku qal-qaalinaya inay qaado tallaabo la mid ah kuwa Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Sudan, oo dhammaantood xidhiidh rasmi ah la yeeshay Israel.

Si kastaba, warbixinta ayaa intaas ku dartay in laga yaabo in xidhiidh dhex-mara Sacuudiga iyo Israel aanu dhicin inta uu nool yahay boqorka.

Warar ka dayrinaya xaaladda caafimaad ee boqorka ayaa sare u kacay xagaagii tegay kadib markii boqorka isbital la dhigay islamarkaana qalliin looga saaray xameytida.

REUTERS

News Related