Published:

Waraaq kasoo baxaday Xafiiska guud ee Xisbiga Kulmiye ayaa lagu sheegay in Afhayeenka guud ee Xisbiga Kulmiye loo magacaabay Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo hore u ahaa Siyaasi madax banaan mudo hore soo qabtay xilka Gudoomiye Kuxigeenka koowaad ee Xisbiga Ucid.

Cabdinaasir Buuni waa nin dhalinyaro ah oo aftahan ah sidoo kale leh aqoon maadiya iyo mid diiniya kana soo jeeda qoys siyaasada caan ku ah ayaa sheegay inuu xilkaasi aqbalay waajibaadkiisana ka gudan doono.

Waxaana ku xaseexan waraaqda Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni lagu magacaabay Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere.

 

 

 

News Related