Published:

Home 
Ugaas Axmed Majabir
Ugaas Axmed Majabir
    

Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa xabsigga u taxaabay Wariye ka tirsan warbaahinta dowladda.

Wariyahan xabsiga loo taxaabay oo lagu magaaabo Ugaas Axmed Majabir ayaa ka hawlgalayay Telefiishanka dowladda.

Masuulkan ayaana ahaa Madaxii Baahinta Telefishanka dowladda Somaliland.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo la xidhiidha xadhiga Suxufi Ugaas iyo sababta loo xidhay.

Lkiin, Wasiirka ayaa sababta ku sheegay in 10 Daqiiqo habsan ku yimi baahintii warka Galabnimo Maalintii Daraad.

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland xabsiga u taxaabto Wariye ka tirsan Warbaahinta Dowladda arimo la xidhiidha shaqadiisa.

News Related