Gabileynewsonline.com
Shabakada Gabiley News Network
Wasiirka Waxbarashada Oo Xadhiga Ka Jaray Jaamacad Laga Hirgeliyay Hargaysa
November 4, 2020 - Written by admin
Wasiirka waxbarashadda Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray jaamacad cusub oo lagu baran doono culuumta caafimaadka oo laga hirgeliyay magaaladda Hargaysa.

Jaamacadan oo magaceedda la yidhaahdo Buubaal Dental teaching ayaa lagu baran doonaa culuumta caafimaadka gaar ahaana Ilkaha.

Waxaana xaruntan hirgelisay Hibaaq Buubaal, oo ka mida dhakhaatiirta reer Somaliland ee ka hawl gala cusbitaaladda magaaladda Hargaysa.

Wasiirka waxbarashadda waxaa xadhiga ka jarista xaruntaasi ku wehelinayay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo dhakhaatiir kale.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi:

 

COMMENTS
Latest News