Published:

Waxa Weftiga Madaarka kaga hor-tagay oo soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Saraakiil ka mid ah Madaxtooyada Somaliland, sida ilo xog-ogaal ahi sheegeen.

Weftiga oo uu Miisaankoodu culus yahay ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan Masuuliyiinta Somaliland.

Shirkadda Trafigura ayaa dhowaan Somaliland la saxeexatay Heshiis ah inay dalka u soo waariddo shidaalka isla-markaana ay soo kordhiso Haamaha Shidaal oo cusub.

Heshiiskaasi ayaa ah mid lagu ballaadhinayo, casriyeynayo, mugga qaadkoodana loo waynaynayo Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera.

Waxaana heshiiska ayaa waxaa ku jirta in Haamaha shidaalka Berbera laga dhigo mid sababi kara in la soo jiito suuqyada shidaalka dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo dalalka kale ee Gobolka.

Sidoo kale, qorshahan ayaa waxaa uu qayb weyn ka noqonayaa casriyeynta dekedda Berbera.

Qorshayaasha waxaa sidoo kale ka mid ah kordhinta qabyada si ay awood ugu siiso maraakiibta waaweyni inay soo dhoweeyaan una ogolaadaan ganacsatada maxalliga ah inay si dhaqaale leh u soo dhoofsadaan badeecadaha la sifeeyey iyo inay helaan suuqyo dib loogu dhoofiyo.

Trafigura oo hogaamiye ka ah suuqa warshadaha badeecooyinka adduunka, ayaa dhowaan geysay shixnaddii ugu horraysay ee gaaska sulphur-ka ah ee hooseeya dekedda Berbera.

News Related