Published:

    

Wefti uu hogaaminayo wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa maanta safar indho indhayn ah ku tegay magaaladda Tog-wajaale ee gobolka Gabiley.
Waxaana weftigaasi ka mida wasiirka biyaha Somaliland iyo wasiirka xanaanadda xoolaha, beeraha iyo Kalluumaysiga ee dalka jamhuuriyadda Jabuuti oo maalmahan ba booqasho ku jooga Somaliland.
Sidoo kale waxaa weftigan la socday safiirka Somaliland u fadhiya dalka jamhuuriyadda Jabuuti C/fataax Siciid Axmed.


Weftigan uu hogaaminayo wasiirka beeraha Somaliland oo safarkoodda u isticmaalay dhinaca Cirka ayaa soo kormeeray Banka Wajaale oo dalagyo kala duwan ay ka beertay wasaaradda beeraha Somaliland oo xiligan lagu jiro tumista iyo kala haadinta dalagyadii soo go’ay.
Safarkan dhinaca Cirka ah ayay weftigani u adeegsadeen diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ka mida diyaaradaha Ayax buufinta ka wada goboladda Somaliland.
Geesta kale weftigani waxay soo kormeereen goobaha biyo soo saarka magaaladda Tog-Wajaale.
U jeedadda safarka weftigani ayaa la xidhiidhay sidii wasiirka Jabuuti u soo arki lahaa dhibaatadda Ayaxu ka gaystay deegaamadda galbeedka Somaliland iyo hawlaha lagula dagaalamayo ee ay waddo wasaaradda beeraha Somaliland.


Sida uu sheegay wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, oo ka warbixinayay safarkoodda.
Axmed Muumin Seed, waxa kaloo uu sheegay in dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay iska kaashanayaan hawlaha la dagaalanka Ayaxa, isla markaana ay xidhiidh ka yeesheen arrintaasi.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi:

 

News Related