Published:

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ka dayrisay jarris aad u daran oo lagu hayo dhirta faa’iidadda leh.

Dhirtaasi oo ay ka mid yihiin Galloolka iyo Sog-sogta ayay wasiirku tilmaantay in iyagoo qoyan inta la soo jarro kadibna lagu shiddo Moofooyinka Roodhida lagu dubbo ee magaalooyinka Somaliland.
Wasiirku waxay sheegtay in arrrintaasi ay aafo ku tahay deegaanka isla markaana bulshadda Somaliland looga baahan yahay sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa bad-baadinta dhirta.
Waxaanay tidhi, “Weli aafo kale ayaa ina haysata. Dhuxushii waynagan doonayna in aynu joojino, oo aynu caalamka la tartano, oo aan dhirteena bad-baadino.
Aafadda kale ee ina haysataa waxa weeye, Xaabbadda. Kolay kun kama yara ayaan is leeyahay Moofooyin(Foornooyinka) Roodhida lagu dubbo ee dalka ku yaalla, ee shita Xaabadda ee Roodhi Moofadda ku dubbtaa.
Waxaa loo baahan yahay, sidee ayaan u bad-baadinaa dhirtan Moofooyinka lagu shidayo? Ee Roodhidda lagu dubayo?
Hargaysa ilaa 200 oo Moofooyinka Roodhida lagu dubbo ah ayaa ku yaalla.
Mid walba marka aad ag marayso, waxaad arkaysaa geedka qoyan ee lagu shidayo”.


Waxaanay intaas ku dartay, “Beryahan danbe weliba waxaa aad u soo badatay geedka Sog-sogta oo lagi shidayo Moofooyinka Roodhida lagi dubbo.
Sog-sogtu na, waa geedaha ugu danbeeya, ee xiliga Jiilaalka ay xoolaheenu cunaan ayay ka mid tahay” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.
Geesta kale wasiir Shukri Baandare, ayaa soo jeedisay in tallo laga yeesho sidii looga faa’iidaysan lahaa dhirta kale ee aan manfada lahayn sida Garan-waaga oo aad ugu badan dhulkeena.
Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaysayna waxay tidhi, “Markaa waxaan odhan lahaa bal fikir aynu keenno dhamaanteen. Ilayn iga taag waynay Moofooyinku sidii ay u shidan lahaayeen geedka Garan-waaga.
Bal aynu ka fikirno, sidee ayaynu isku waafajinaa, in aynu Roodhidiina jeclaysano, oo aynu cunno iyo sidee ayaan u bad-baadinaa dhirtii kale oo aynu i shiddanaa Garan-waagan meel walba buuxa, ee wakhtiga gaaban ku baxay.
Geedkaa Garan-waaga, oo aad inoogu batay, sidee ayaan isku waafajinaa, in aan dhirtii kale na bad-baadino, Garan-waagiina uga faa’iidaysanaa”.


Wasiirka deegaanu waxay sidan ku sheegtay hadal ay ka jeedisay kulan lagu qorshe haamaha Gaasta cuntadda lagu karsado lagu gaadhsiinayo lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland oo dhawaan lagu qabtay xarunta wasaaradda deegaanka ee magaaladda

News Related