Xisbiga Waddani oo Si Weyn Uga Soo Horjeestay Go’aankii Xukuumadu Ku Joojisay Gaadiidka VITZ-ta
November 8, 2020 - Written by admin
Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aankii ay xukuumadda Somaliland ku joojisay gaadiidka yaryar ee loo yaqaan VITZ-ta.
Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay joojinta gaadiidkaasi yaryar u cuskatay arrimo la xidhiidha ammaanka.
Xoghayaha arrimaha bulshada ee Xisbiga Waddani, Maxamed Sidiiq Cabdilaahi Dhamme oo maanta warbaahinta la hadley ayaa sheegay in VITZ ay shaqo abuur badan ka heleen dhallinyaro ay camal la’aan haysay islamarkaana ay yaraysay khatarta aafada Tahriibta.
“Tallaabada joojinta gaadiidka VITZ-ta waa go’aan dawladnimada ka arradan oo muujinaya axmaqnimo iyo arxandarro maamul. Xukuumaddu waxay u taqaan VITZ-ta gaadhi aan manfac lahayn, shacabkuna waxay ogyihiin in V8-ka wasiirradu ku raaxaystaan aanu manfac inoo lahan dhaqaale ahaan. Waxa ku nool kumanaan qoys, waxa shaqo abuur ka helay dhallinyaro badan, VITZ-tu waxay badbaadisay bilaa camal badan oo Tahriibi lahaa.” ayuu yidhi.