Gabileynewsonline.com
Madaxweyne Biixi oo Ka Hadley Geerida Agaasimihii Hore Ee Samafalka Madaxtooyada Somaliland
December 2, 2020 - Written by admin
    

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu ka hadley geerida ale ha u naxariistee Agaasimihii hore Samafalka ee Madaxtooyada Somaliland Marxuumad Aamina Maxamuud Diiriye.

Marxuumad Aamina Maxamuud Diiriye oo ahayd Agaasimihii hore Madaxtooyada Somaliland ayaa xalay ku geeriyootay magaalada Hargeysa, waxaanay Marxuumad Aamina in badan ku soo dhex jirtay ururada Bulshada rayidka.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, haween-weynaha Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Aamina Maxmauud Diiriye oo ku geeriyootay xalay oo ay taariikhdu ahayd 02/12/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxa uu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geerida marxuumada dhammaan haween-weynaha Somaliland. kana mid ahayd haweenka qarankan uga faa’iideeyey wakhtigooda iyo aqoontooda, iyadoo muddo dheer ku soo dhex jirtay siyaasada iyo arrimaha bulshada, xilal kala duwana ka soo qabatay xukuumadihii kala danbeeyey.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, haween-weynaha Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

COMMENTS
Latest News