Gabileynewsonline.com
Saddex Maalmood oo Dheeraad Ah oo Lagu Daray Diwaangelinta Goobaha Codbixiyeyaasha Ee Baligubadle iyo Sallaxlay
December 2, 2020 - Written by admin

8 Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa ku dhawaaqay in maalmo dheeraad ah lagu daray diwaangeinta goobaha codbixiyeyaasha oo socday afar cisho, balse ay dadka ku filnaan wayday muddadaasi.

Guddoomiyaha guddida Doorashooyinka ayaa sheegay in dhamaan degmo doorashooyinka dhaca xuduuddaha Somaliland iyo Itoobiya wakhtigaas loo kordhiyey, sidoo kalena waxa muddo intaas leeg lagu daray Caasimada degmooyinkaasi, sida Boorama iyo Baligubadle.

Hadalkan ayuu guddoomiyuhu ka sheegay xilli uu kormeer ku jooggay deegaamo kamida Gobolka Hawd.

COMMENTS
Latest News