Gabileynewsonline.com
Masuuliyiin Kormeeray Qalabka Sollarta Ee Cusbitaalka laascaanood
December 9, 2020 - Written by admin
    

Maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood ayaa soo kormeeray qalabka tamarta Cad-ceedda ku shaqeeya ee Dabka looga dhaliyo cusbitaalka Laascaanood.


Cubsitaalka magaaladda Laascaanood ayaa xiliyadii hore dhibaato ku qabay qiimaha lacagta kaga baxda Korontadda.
Hase yeeshee qalabkan tamarta Cad-ceedadda laga dhalinayo ayuu cusbitaalka kaga maarmay qiyaas ahaan 95%.


Waxaana mashruucan gacan ka gaysatay Waaxda garaarka iyo horumarinta ee dawladda Norway.
Taasoo ka soo jawaabtay codsi uu sanadkii hore kaga dalbaday qalabkan badhasaabka gobolka Sool.


Dhinaca kale isla maanta waxay maamulka degmadda Laascaanood iyo ka gobolka Sool ay soo xidheen kulan bulshadda lagula tashanayay adeega tamarta Cad-ceeda korontadda lagaga dhaliyo.


Kulankaasi oo ay qabatay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland waxaa fulinaysa dawladda hoose ee magaaladda Laascaanood.
Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi:

 

COMMENTS
Latest News