Gabileynewsonline.com
Shaqaalaha Wasaaradda Maalgashiga Oo Tababar Loo Soo Xidhay
December 14, 2020 - Written by admin
    

Agaasimaha guud ee wasaaradda maalgashiga Somaliland ayaa tababar u soo xidhay xubno isugu jira shaqaalaha wasaaradaasi iyo shaqaale cusub.
Shaqaalaha cusub ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii soo dhamaystay barnaamijka shaqo qaran ee ka shaqo galay wasaaradda maalgashiga.
Tababarkan la siiyay ayay u jeedadiisu ahayd sidii ay iskula jaan qaadi lahaayeen shaqaalihii hore iyo shaqaalaha cusub.
Agaasimaha guud ee wasaaradda maalgashiga ayaa kula dar daarantay shaqaalaha cusub ee shaqo qaran in ay dedaal badan muujiyeen.
Si ay tusaale fiicaan ugu noqdaan dhalinyarada danbe ee ka soo bixi doona shaqo qaran, isla markaana ay wasaarradaha iyo haayadaha kale ee dawladu ugu dhiiradaan in ay qaataan.

 

COMMENTS
Latest News