Gabileynewsonline.com
Sool:Dhaam Biyood Laga Qodayo Deegaanka Qabri Bayax
December 21, 2020 - Written by admin
Home 
    

Dhaam biyood weyn ayaa maanta qodistiisa laga bilaabay deegaanka Qabri Bayax oo ku yaalla koonfur bari ee gobolka Sool Somaliland.
Dhaam biyoodkani waxaa maalglinaysa sanduuqa Mamlikatul Salmaan ee dalka boqortooyadda Sucuudiga.
Waxaana fulinaysa haayadda NRC oo kaashanaysa wasaaradda biyaha jamhuuriyadda Somaliland.
Halka qandaraaska qodista hirgelinayso shirkadda Tayo Tarran.
Kaasoo loogu tallo galay inuu qaado biyo xadigoodu dhan yahay 15000 Mitric Cubic.


Sida uu sheegay Siciid Maxamed Jaamac, madaxa mashaariicda ee haayadda NRC oo hadal ka jeediyay goobtii maanta laga bilaabay qodista Dhaam biyoodkaasi.
Dhaam biyoodkan qodistiisa maanta laga bilaabay deegaanka Qabri Bayax ee gobolka Sool ayay baahi weyn u qabeen bulshadda deegaankaasi.
Sidoo kale bilawga Dhaam biyoodkaasi waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socday wasaaradda biyaha Somaliland, madaxda shirkadda Tayo Tarran, iyo odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi.

Daawo:Hadaladii Masuuliyiinta:

 

COMMENTS
Latest News