Published:

Home 
Guddoomiye Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi
Guddoomiye Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi
    

Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland ee ku jira Baarlamanka labada Aqalka ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hor-yimid guddoomiyaha aqalka sarre, Cabdi Xaashi oo muddooyinkii dambe ku doodayey inuu xaq u leeyahay soo magacaabista guddiga metelaya Somaliland.

Xildhibaanada oo war-saxaafadeed kasoo saaray kulamadaas ayaa sheegay in Cabdi Xaashi uu gebi aahnba ku metelin hadalada iyo qoraalada uu maalmihii u dambeeyay soo saaray, kuwaasi oo uu kaga soo horjeeday dhismaha guddiyada doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Somaliland.

War-saxaafadeedka oo ay ku saxeexnaayeen 47-xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee Soomaaliya, isla markaana kasoo jeeda Somaliland ayaa waxa lagu taageeray xukuumadda Farmaajo, iyada oo lagu sheegay in guddiyada doorashada ee qeybta ka yihiin kuwa Somaliland ee uu ku dhawaaqay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, lagu dhisay hab waafaqsan heshiiskii siyaasaddeed iyo hab-raacyada ka farcamay kadib wada-tashi baaxad weyn oo lala yeeshay xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo hogaanka dhaqanka ee kasoo jeeda Somaliland.

“Waxaanu caddaynaynaa in guddoomiyaha aqalka sarre, inkasta oo uu yahay odey aanu aad u qadarino, in aanu ku metelin Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo odeyaasha dhaqanka hadalada iyo qoraalada uu soo saaray ee uu ku durayo dhismaha guddiyada doorashada ee Somaliland iyo hab-raacyada loo maray, maadama oo aanu nala tashan waxna naga weydiin,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, waxa war-saxaafadeedka xildhibaanada lagu taageeray heshiiskii siyaasadeed ee madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyadu ku gaadheen magaalada Muqdisho, isla markaana uu meel-mariyey baarlamaanka, kuwaasi oo ay kasoo baxeen habraacyada lagu dhisay guddiyada doorashooyinka Soomaaliya.

Waxay ugu dambeyntiina ku tilmaameen nasiib darro in siyaasiyiin ujeedooyin siyaasadeed leh ay isku dayaan inay ka dhigtaan doorashada xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland dariiq ay u sii maraan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen doorashooyinka Soomaaliya ee lagu heshiiyey.

Hoos ka akhriso bayaanka Xildhibaanada

 

News Related