Published:

    

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ka qayb gashay xaflad lagu xusyay maalinta Harimacadka adduunka.


Sanad kasta afarta bisha December, waxaa wadamo badan oo caalamka ah laga xusaa maalinta Harimacadka adduunka, xayawaankaasi oo la rumaysan yahay mid dunidda ka sii dabar go’aya.


Sida lagu sheegay cilmi baadhsiyo ay sameeyeen khubarrada aqoonta u leh arrimaha duur joogta gaar ahaana Harimacadka.
Waxaana xalay magaaladda Hargaysa ee caasimadda Somaliland lagu qabtay munaasibad lagu xusayay maalinta Harimacadka adduunka.


Waa markii u horaysay oo Somaliland lagu qabto munaasibad lagu xusayo maalinta Harimacadka adduunka.
Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo xubno ka mida shaqaalaha wasaaradda deegaanka Somaliland.


Waxa kaloo xafladaasi joogay masuuliyiin ka socday haayadda CCF oo ka shaqaysa ilaalinta iyo daryeelka Harimacadka.


Haayadaasi oo ka mida haayadaha wasaaradda deegaanka Somaliland kala shaqeeya la dagaalanka ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka.
Munaasibadan lagu xusayay maalinta Harimacadka adduunka ee Hargaysa lagu qabtay waxaa soo qaban qaabisay haayadda Cheatah Conservation Fund oo ka shaqaysa ilaalinta iyo daryeelka Harimacadka.


Shurki Ismaaciil Baandare, wasiirka deegaanka Somaliland oo hadala ka jeedisay xafladaasi ayaa sheegtay in xukuumadda Somaliland iyo wasaaradda deegaankuba ay dedaal geliyeen sidii loo daryeeli lahaa Harimacadka.
Wasiir Shukri, ayaa tilmaantay in u jeedadda laga leeyahay xuskan loo sameeyay maalinta Harimacadka adduunka ay tahay mid lagu qiimaynayo xayawaanka Harimacadka.


Wasiirka oo faahfaahin ka bixinaysay u jeedadda xafladaasi loo qabtay waxay tidhi,”Wax kasta maalmo lagu xuso ayaa adduunka loo sameeyay, oo lagu xasuusto. La iskamana samaynine, waxaa had iyo jeer loo sameeyaa maalmahaasi, waa maalin lagu qiimaynayo cidda ay ku socoto”.
“Caawa (xalay) waxaynu halkan isugu nimid xuska maalinta Harimacadka adduunka. Harimacadka waxaynu xafladan ugu samaynay waxay tahay, Harimacadku, adduunka wuu ka sii socdaa, oo wuu ka sii dabar go’ayaa.
Marka haddii uu dunidda ka sii daba go’ayana, wacyigelin in ay inoo noqoto, oo inaga iyo carruurteena yar yar ee soo koraysaba, in aynu ogaado qiimaha uu leeyahay xayawaankaasi, ee uu adduunyadda u leeyahay” ayay tidhi wasiirka deegaanku.


Sidoo kale wasiir Shukir Baandare, waxay sheegtay in Harimacad fara badan ay wadanka ku hayaan, kuwaasoo xanaanayntoodda iyo daryeelkoodda uu ku baxo sharaf lacageed oo fara badan.
“Waxaanu wadanka ku haynaa oo nool 68 xabbo oo Harimacad ah, oo yar yar iyo waaweyn ba isugu jira, oo dad kala gaar ahi ay hayaan, oo saddex xarumood ku kala jira, iyo mid yar.
68-kaa Harimacad, bal qiyaas inta uu Hilib cunayo maalintii? Ama inta uu raashin u baahan yahay?
Saddexdii maalmood ba Awr baa loo qalaa.
Dawadii baa dheer, shaqaalihii baa dheer. Ilaa Caanaha loo keenayo kuwa dhashay, oo Namibia looga keenno ama Maraykanka ama Ingiriiska, bal qiyaas?.
Dadka dhakhaatiirta ah ee ka shaqaynaya bal qiyaas? Waxaas oo dhan waxaa nagu kalifay, qof isagu doonaya inuu ka ganacsaddo Harimacadka ayaa laga celinayaa” ayay tidhi wasiirka deegaanka Somaliland.
Geesta kale wasiirka Shukri, ayaa u mahad celisay haayadaha kala shaqeeya la dagaalanka ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta.
Waxaanay fariin u dirtay guud ahaanba bulshadda Somaliland.


Waxaanay tidhi, “Waan uga mahad celinayaa haayadda CCF oo nagala shaqaysa ka ganacsiga sharci darradda ah ee duur joogta.
Dawladda Somaliland way isku tacalujisay iyo haayadaha la shaqeeyaaba in ay bad-baadiyaan Harimacadka, intii ay bad-baadin karayaan.
Caawa (xalay) waxaan ku kala tegaynaa fariin ah, meeshaad joogtaanba safiir u ahaadda duur joogtiina ama xoolihiina” ayay tidhi wasiirka deegaanka Somaliland.


Masuul ka socday haayadda CCF oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa wasiirka deegaanka Somaliland ku amaanay sida wanaagsan ee ay ugala shaqayso joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta.
“Waxaan u mahad naqayaa wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland oo wasaaradda ku hogaamisa sidii loo bad-baadin lahaa duur joogta. Waanan ku amaanayaa sida wanaagsan ee ay noogala shaqayso la dagaalanka ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka” ayuu yidhi xubin ka tirsan haayadda CCF.


Sidoo kale agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland oo xafladaasi ka hadlay ayaa soo jeediyay in bulshadda looga baahan yahay in qof waliba uu duur joogta ku ilaaliyo duurka uu ILLAAHAY SWT dhigay oo ay qiimo iyo sharaf ku leeyihiin.
Waxaanu u mahad celiyay cid kastoo wasaaradoodda kala shaqaysa ama ka gacan siisa sidii deegaankeena dib loogu soo celin lahaa duur joogta iyo sidoo kale la dagaalanka ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta.


Dhinaca kale badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), oo ka mid ahaa masuuliyiintii munaasibadaasi ka qayb galay oo hadal na ka jeediyay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay ilaalinta duur joogta.
Waxaanu sheegay in deegaamadda Somaliland ay ku noolaan jireen noocyo kala gedisan oo duur joog ah.
Hase yeeshee ay intoodii badnayd ka dabar go’een sida Maroodiga, Wiyisha iyo qaar kale.
Waxaany yidhi, “Waayadii hore, dhulkeena waxaa ku nool jirtay duur joog kala gedisan. magaaladan Hargaysa Maroodi ayaa ku noolaan jiray, oo gobolkaba waata magaciisa la yidhaahdo Maroodijeex. Wiyil baa ku noolayd. Laakiin, way ka dabar go’een”.


Guddoomiye Tiimbaro, waxa uu sheegay in xayawaanadda ka dhamaaday dalkeena aanay arag jiilka dhalinyaradda ah, isla markaana ay sheeko uun ku tahay maqalkoodu.
Waxaanu ku taliyay in haddii aan wax laga qaban xaaladda uu hadda marayo Harimacadku inuu sheeko iyo maqal uun ku noqon doono da’yarta.
“Dhalinyaradda sheekooyin ayuun bay inagu tahay. Balse inagu waynu aragnay Harimacadka. Waxaana laga yaabaa in jiilka dambe, aanay aragba, haddii uu sidaa ku sii socdo.
Waxaynu doonaynaa in aanu sheeko ku noqone, ay ubadkeena danbe arkaan Harimacadka” ayuu yidhi Tiinbaro.

 

News Related