Published:

Maalinta HIV\AIDS-ka oo si weyn looga Xusay Dalka Somaliland + SAWIRRO

0
47
    

Hargeysa (HargeisaPress)— Xuska maalinta caalamiga ah ee AIDS-ka oo loo asteeyey 1 bisha 12aad ee sannad walba, ayaa lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Xafladaasi oo ay soo qaban-qaabiyeen Komishanka Xakamaynta HIV ee Somaliland, waxaa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay ku wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Masuuliyiinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka. 

Agaasimaha wacyigelinta Komishanka SOLNAC Eng. Muxuyadiin Yuusuf oo ugu horayn halkaas hadal ka jeediyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay dhammaanba madaxda iyo marti-sharafta kala duwan ee kala qaybgashay xuska maalinta caalamiga ah ee loo asteeyey HIV/AIDS-ka, isagoo tilmaamay inay Komishan ahaan dedaal weyn u galeen sidii bulshada looga wacyigelin lahaa waxyaabaha faafiya xannuunkan iyo in aan wax takoor ah lagula kicin dadka la nool HIV.

Agaasimaha Komishanka Xakamaynta AIDS-ka Md. Cabdishakuur Ismaaciil Muumin oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in sannadkan 2020 la baadhay HIV dad tiradoodu ku dhaw 2,500 (laba kun iyo shan boqol) oo qof, islamarkaana laga helay 119-qof, oo wadarta guud ee Bulshada ka noqonaysa 5%, waxaana uu xusay in guud ahaanba dadka xannuunka la nool Somaliland lagu qiyaaso 5,500 oo qof, kuwaasi oo ku kala sugan gobollada iyo degmooyinka Dalka.

“Ujeedada laga leeyahay maalintan sida gaarka ah loo xusayo HIV/AIDS waxa keliya oo ay tahay isku baraarujinta cudurkan caalamiga noqday iyo in la isku booriyo xakammayntiisa, waxa kaloo uu ku suntan yahay in baroor-diiq caalami ah loo sameeyo dadkii innagaga dhintay cudurkaas caalamiga ah iyo inta u dhimatay guud ahaanba caalamka oo ilaa imminka lagu qiyaaso 32 milyan oo qof, waana ilaa imminka inta la eegay xannuunka labaad ee ay dadka ugu badan u geeriyoodaan,” ayuu yidhi Agaasime Cabdishakuur Ismaaciil Muumin.

Waxa kaloo uu agaasimuhu sheegay in 63% uu sannadkan  kor u kacay takoorka lagu hayo dadka la nool HIV, sidoo kalena ay guddida komishanku tageen iskuulo ardayda waalidkood la nool yahay xannuunka laga soo eryey oo ay soo xaliyeen, waxaana uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in kor loo qaado wacyiga bulshada, si aan dadka xannuunkaasi la nool aanay u dareemin takoor. 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo hadal waano ah ka jeediyey xuska, ayaa sheegay in aanay diin ahaan sax ahayn in la faquuqo dadka uu ku dhacay HIV/AIDS, loona baahan in dadkaas loo gargaaro, la caawiyo, isla markaana laga daayo waxkasta oo saamayn ku yeelan kara maskax ahaan iyo jidh ahaanba.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii madashaasi ka hadlay, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka la nool Xannuunka AIDs-ka aan la takoorin, isla markaana kor loo qaado wacyiga Bulshada, si loogu baraarujiyo inaan xannuunkan lagu kala qaadi karin Salaanta wax dhigashada iyo inta la hal maasha, balse uu yahay xannuun jidhka ku dhex jira oo laysugu gudbin karo dheecaan oo keliya.

“Waxa aynu isfaraynaa qof qof waxba uma qaban karno ee waxa aynu wax u qaban karnaa innaga oo waddar ah, innaga oo wada jirna ayeynu wax ka qaban karnaa dhibaatadaas ay qabaan dadka la nool HIV/AIDS. Xannuunkani waxa uu la mid yahay uun xannuunnada kale ee maaha wax istaabashada la isku qaadsiin karo, iyadoo aannu HIV ahayn xannuun fayras ah oo hawada ku jira ama hawada lagu kala qaadi karo,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.

 

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin in marwalba la laban laabo Xakamaynta Xannuunkaasi si bulshadu u noqoto mid caafimaad qabta, waxaana uu Komishanka iyo Hay’addaha la shaqeeya ku dardaaray in halkaasi kasii wadaan hawsha.

Geesta kale, waxa madasha lagu soo bandhigay riyaawad si fiican uga hadashay xannuunka HIV/AIDS iyo dhibaatooyinka faquuqa ah ee lagu hayo dadka la nool xannuunkan, iyadoo bulshada loo muujiyey in xannuunkani yahay mid aan dadka lagu takoori Karin.♠

News Related