Published:

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay hogaamiyeyaasha Tigray inay sumeeyeen janaraal ka tirsan militeriga oo ka howlgalayay saldhig ku yaalla gobolka.

Wuxuu sheegay in janaraalka in dhibkii kasoo gaaray sunta “uu ilaa iyo haatan kasoo kici la’ayahay isla markaana uu shaqada ku laaban waayay”

Abiy wuxuu baarlamaanka u sheegay in “In 15 maalmood ka hor inta uusan dagaalka bilaaban” madaxda Tigray ay sumeeyeen janaraal Diriba Mekonnen kaddib markii uu lasoo qadeeyay.

Dhanka kale, hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa shaley sheegay in ciidamadiisa ay dagaal kula jiraan militeriga Itoobiya meel u dhaw caasimadda Mekelle halkaas labo maalin ka hor ay la wareegeen ciidamada dowladda.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu baarlamaanka u sheegay in hal qof oo rayid ah aanan lagu dilin howlgalka militeri ee bisha ku dhawaadka ah ka socda Tigray, waxaana hadalkaas si weyn uga hor yimid madaxda Tigray.

News Related