Published:

Ciidanka Booliska Somaliland
Ciidanka Booliska Somaliland
    

Hogaanka tababarrada Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa tababar u furay Saraakiisha Ciidanka Booliska oo ka kooban taliye qaybeedyo, Taliyeyaal Saldhig iyo Saraakiil kale.

Tababarkan oo ku saabsan isla-xisaabtanka iyo xidhiidhka Booliska iyo Bulshada, ayaa waxa loo furay dufcadii labaad ee Saraakiil ah, waxaanu socon doona muddo laba maalmooda.

Munaasibada furitaanka tababarkan oo lagu qabtay Kulliyada tababarka Booliska ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay hogaanka Tababarrada Ciidanka Booliska Gaashaanle sare Faysal Xiis, Madaxda Kulliyada iyo masuuliyiin kale oo kamida Ciidanka Booliska.

Hogaanka Tababarrada Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo halkaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay Saraakiisha in ay ka faa’idaystaan duruusta lagu bari doono aqoon-korodhsigan.

Faysal Xiis, ayaa sheegay in tababarkan looga gol leeyahay in kor loogu qaado isla xisaabtanka Booliska iyo Bulshada, laguna baraarujiyo Taliyeyaasha Saldhigyada iyo qaybaha in ay wanaajiyaan xidhiidhka Bulshada.

Waxa uu tilmaamay in Ciidanka Booliska lagu soo kordhiyey qaybta xidhiidhka Dadweynaha oo qaabilaysa cabashooyinka iyo ka war-haynta dareenka Bulshada ee ku wajahan adeegyada Saldhigyada Booliska, qaybtaasoo lagu daadejinayo ilaa heer saldhig.

News Related