Published:

    

Ugu yaraan Hal qof ayaa ku dhintay, Afar kalena waxaa ka soo gaadhay dhaawac, kaddib markii shil ka dhashay laba Gaadhi uu ka dhacay Dowga Buurta Sheekh ee gobolka Saaxil.

Labada gaadhi ee isku dhacay, ayaa kala ahaa Gaadhi nooca rakaabka qaada ah oo ay leedahay Shirkadda Nabad-gale iyo Baabuur nooca raaxada ah, waxaana dhintay mid kamida wadeyaashii labada gaadhi, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka ee gobolka Saaxil oo warbaahinta kula hadlay goobta shilku ka dhacay.

Afar qof ee ku dhaawacmay shilka iyo Hal qof ee ku dhintay ayaa waxaa la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Sheekh, sida uu sheegay maamulaha Cisbitaalkaasi oo isna warbaahinta la hadlay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka oo la xidhiidha sababta keentay shilkan, hase yeeshee Taliyaha ayaa tilmaamay in ay labada gaadhi isku dhaceen iyagoo Buurta dusheeda maraya, kaddibna uu midkood ka duulay Dowga.

Shilkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee buurta Dowgu Sheekh mara dusheeda ka dhaca ee khasaare nafeed geysta bilihii u dambeeyey.

News Related