Published:

FARMAAJO OO U ADEEGA ABEY WAXA UU CALOOSHODA U SHAQAYSTAYAASHII DHALINYARADA KU GURAY NAARTII TIGREEGA

QALINKII ENG MOHAMED HAIBE HERSI

Qofka muslimka ah laba goor god lagama  wada qaniino , calooshii u  shaqaystana waa  abaalkii.

Midawgii madoobaa ee 1960 ujeedo badan ayuu ahaa, reer somaliland oo baadi goobaayay somaliwayn, iyo madaxdii somali talyaani oo raadinaayay kursi sadbuursi qabiil, iyo been.

1960 ka dib madaxdii somali talyaani waxay duween  hadafkii midawga ,iyagoo bililiqaystay 10 Milan oo giniga ingiriiska taalayna bangiga hargaysa, tiknikadii ciidanka, qalabkii caafimaadka, dadkii aqoonta lahaa ee reer somaliland. Waxayna u daabushay hantidaas xamar. Waxay go’aan ku gaadheen in dhulka somaliland baahiyaha aasasiga ah sida waxbarashada, biyaha, caafimaadka, hay’adaha dawlada laga ilaaliyo si shicibku dhulkooda uga guuraan looguna beero dad kale. Waxa laga mamnuucay in magaalooyinka somaliland laga dhiso guri ka badan laba dabaq .  Waxa ku xigtay dawladii afwayne oo xasuuqday dad ka badan 300 kun oo qof, magaalooyinkiina burburisay. Dawlada maqaarsaarka ah ee xamar lagu ilaaliyaa waxay lacag badan, oo ayna ku bixin nabadaynta xamar ku bixisaa, sidii ay qabiilooyinka reer somaliland dagaal dhiig ku daato uga dhexridi lahayd,  iyadoo adeegsanaysa dhuuni qaatayaal reer somaliland ah.

Dhalinyarada reer somaliland waa in ay fahmaan balankasta oo cadawga somali talyaani u qaadan, ujeedada kaliya ee ay leeyahiin tahay sidii ay marlabaad u burburin lahaayeen guryahooda, dhiigoodana uga iibsan lahaayeen meelkasta oo uu dagaal ka socdo, waaba sidii dhalinyaradii la geeyay qadar ee turkiga  iyo qadar  ku shubeen  dabkii liibiya iyo kuwa maanta eratariya ku gurtay naarta, kuna halaagsamay dhulka tigreega.

Xukuuma somaliland waa in ay ka soo baxdaa waajibkii loo doortay,  si aanay dadka u halgamaaya wadankoodu u niyad jabin, waarina maayane xeerar wanaagsan uga tagaan jiilasha soo socda.

Xukuumadu waa in shakhsi kasta oo calooshii u shaqaysta ah ku xukuntaa 15 Ilaa 30 sano oo xadhig ah, hantidiisana ciidanka lagu wareejiyaa .

haibe2005hotmail.com

 

 

 

 

 

News Related