Published:

    

Sideynu la socono 31 May, waxaa dalka ka qabsoomey markii koowaad doorashooyin isku sidkan ee Goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, taas oo guud ahaan jewiga nabad galyo ku dhacdey, dalka oo dhan si qurux badan murrashaxiin iyo bulshaba looga qeyb qaatey.

Doorashadii ka dib casharro ayaa laga bartay dhinac walba ah, kuwaas oo u baahan in dhamaantood la dul istaagto, balse waxaan qalinka u qaatey maanta in aan aragtideyda ka dhiibto ka dib casharrada laga bartay doorashada, maxaa la gudboon xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbul xaakimka KULMIYE.

Waxaa marag ma doon ah in guul darro aan looga baran Xisbiga Kulmiye ka soo gaadhey labadii doorashaba, oo shacabka aqlabiyadiisu u codeeyeen in isbedel ay rabaan, farriinta shacabka ka timidna waxay uffo u aheyd waxaa la filan karo doorashada madaxweynaha ee innagu soo aadan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, haddii la guuleystana guusha Xisbiga, isagaa ku suntan oo taariikhda ku galaya, sidoo kale guuldaraddana isaga ayey ugu jirtaa diwaanka Xisbiga, sidaas oo ay tahey waxaa ii muuqatay illaa bilowgii xukuumadda Madaxweyne Muuse in ay jireen fursado badan oo uu Madaxweynuhu u lumiyey, siyaabo kala duwan iyo wakhtiyo kala duwan, kuwaas oo is biirsadeyna ay maanta banaanka soo dhigeen guuldarada ku habsatey Xisbigii aan guuldarada aqoonin ee KULMIYE.

Fursadda koowaad ee Madaxweynuhu lumiyey waxay aheyd in aanu soo dhisin xukuumad tayo leh oo la jaan-qaadi karta waaqica shacabka ka filanayey, taas oo markiiba abuurtay kala xidhiidh furan bulshadda iyo Xukuumadda ah, taas waxaa u raacday in damalkii hadhka weynee ee KULMIYE noqday ka culayska ugu weyni ku dhaco oo maalinba ciddi ka tageysa ama laga saarayey.

Haddaba, Maxaa la gudboon Madaxweynaha, isagoo Guddoomiye xisbi ah iyo isagoo ah Madaxweynihii qaranka?

 

1: Marka koowaad waa in Madaxweynuhu si degan oo bilaa Turxaan ah u qiimeeyaa Muddo xileedkii uu Madaxweynaha ahaa xukuumaddiisa iyo Xisbigiisa waxaa u qabsoomay, waxaa ka qaloocmay iyo sababaha keenay dhamaantood, isagoo ka duulaya taariikhdii Xisbiga KULMIYE iyo waayo aragnimadiisa siyaasadeed.

2: Qiimeyn ka dib, Madaxweynuhu waa in uu yeesho dhiiranaan iyo kalsooni cad oo uu ku wajihi karo sidii xukuumad ahaa iyo xisbi ahaanba loo dhisi lahaa ama loo kasban lahaa Shacabka, taas oo aragtideyda ku imaneysa in isbeddel la taaban karo ku sameeyo gun iyo baarba golaha xukuumadda ee hadda joogta, dhiig cusubna ugu shubi lahaa xukuumadiisa inta u hadhey muddo xileedkiisa, iyadoo ay fududahey in isbeddel la sameeyo hadana waa in uu noqdaa isbedelkaasi mid daboolaya galdaloolooyinka muuqda ee doorashooyinku daaha ka feydeen.

3: Waxaa muuqatey in guuldarada Xisbiga soo gaadhay ay qeyb weyn ku lahaayeen kaadiriin xisbiga ka tirsan oo madaxweynaha isa seegeen, inta ay taasi jirtana waa la sii kala fogaanayaa, Madaxweynaha waxaa la gudboon in uu noqdo odayga Xisbiga, arrinkaas xal kama danbeys ah u helo, macal hadey dacarta ka qadhaadhahey.

4: Sida la wada socono toddoba sanno oo Madaxweyne Siilaanyo talada dalka hayey Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu ahaa Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Taasi waxay siisey fursad uu xisbiga ku dhiso isna uu hankiisa ku gaadho, Madaxweynuhu waxaan kula talin lahaa waa in uu abuuro jewi uu fursad siyaasaddeed iyo mid awooddeedba ku muuqan karo qofka isaga ka beddeli doona jagada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,

5:Bulshadu waxay ka kooban tahay qeybo kala duwan, waxaa muuqata in uu madaxweynuhu lumiyey xidhiidhkii iyo wada shaqeyntii uu lahaa Madax dhaqameedka bulshada, inkastoo wanaagsan tahay in madax dhaqameedku saameyn ku yeelan siyaasadda, haddana waa furayaasha bulshada iyo albaabada laga galo, madaama ay Bulshada metelaan, Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa waxaa la gudboon in ay xidhiidh wanagsan la yeeshaan madax dhaqameedka oo maalinba maalinta ka danbeysa ka sii fogaanaya.

6: Waxaa muuqatey tan iyo intii Madaxweyne Muuse Biixi noqday Madaxweynaha in isha kaliya ee xukuumadda laga gaadho ay isaga aheyd, taasi waxay yareysey fursadihii ay bulshaddu u wada gaadhi laheyd ama dareenkooda ay ugu gudbin lahaayeen, waxaa madaxweynaha la gudboon in uu sameeyo hawl daadejin sahli karta in dhamaan hawlaha qaranka oo dhan kaligii lala sugin go’aan qaadashadeeda, Ugu yaraan uu soo celiyo Wasaaraddii Madaxtooyadda oo aheyd biriish ku xidha bulshada iyo madaxweynaha maanta ay si cad u muuqato baahida loo qabo.

 

Gebogabadii, Guusha ay Xisbiyadda Mucaaridku ka gaadheen doorashooyinkii isku sidkanaa iyo hanshadda shir gudoonka wakiiladdu waxay fariin digniin ah u tahay xisbi KULMIYE, tallaabo kasta oo madaxweynuhu qaadana waa in ay noqotaa mid dhalin karta in xisbiga KULMIYE darajo u kordhineysa una gogol xaadheysa sidii mar labaad Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi talada dalka ugu guuleysan lahaa, Waxaana haboon in niyad jab laga qaadin natiijooyinkii doorashooyinkii dhacay balse cashar ayaa laga baranaya dib laysku qiimeeyo.

Hussein Hassan Yusuf Cadde
Birmingham UK.

News Related