Gabileynewsonline.com
Ardayda Sanadkan Ka Qalin Jebinaya Jaamacadda ADMAS Oo Difaacday Buuggaagtoodda
September 22, 2021 - Written by admin
    

Ardayda ka qalin jebinaya kuliyadaha kala duwan ee culuumta ay bixiso jaamacadda ADMAS faraceedda magaaladda Hargaysa ayaa difaacday buugga ay ardaydu qoraan marka ay qalin jebinayaan.

Munaasibad balaadhan oo ardaydaasi qalin jebinaya loo qabtay waxaa ka soo qayb galay maayar ku-xigeenka caasimadda Hargaysa, agaasimaha guud ee wasaaradda biyaha Somaliland iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale waxa munaasibadaasi ka soo qayb galay maamulka iyo macalimiinta wax ka dhiga jaamacadda ADMAS iyo xubno kale oo aqoon yahamiin ah.

Qabashadda munaasibadan ay ardaydu buugoodda ku difaacanayeen ayaa ku soo beegantay 15 guurradii ka soo wareegtay aasaaskii jaamacadda ADMAS qaybteedda magaaladda Hargaysa.

Taasoo ahayd sanadkii 2006-dii, iyadoo mudadaasi ay jaamacadu shaqaynaysay ay ka qalin jebiyeen kumanaan arday ah.

Waxaanay wixii hadda ka danbeeya jaamacadu awoodda saari doontaa culayska tayaynta waxbarashadda.

Sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka qaybta waxbarashadda ee jaamacadda ADMAS Axmed-naasir Xasan Xaaji, oo hadal ka jeediyay xafladii ardaydaasi loo qabtay.

 

DAAWO: Haladii Xafladaasi Laga Jeediyay:

 

COMMENTS
Latest News