Gabileynewsonline.com
Ururka SOLJA iyo Jaamacadda Unity Ee Kenya Oo Heshiis Wada Gaadhay
September 23, 2021 - Written by admin
    

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo jaamacadda the Unity ee dalka Kenya ayaa maanta heshiis ku kala saxeexday magaaladda Hargaysa.
Waxaana muddo laba todobaad ah dalka Somaliland ku sugan masuuliyiin ka socda iaamacadda the Unity.
Kuwaasoo dalka u yimid sidii ay uga shaqayn lahaayeen barnaamij deeq waxbarasho ah oo ay jaamacadaasi siisay ardayda reer Somaliland.
Heshiiskani ay wada gaadheen SOLJA iyo jaamacadda Unity ayaana qayb ka ah deeqda waxbarasho ee ay jaamacadaasi siisay ardayda Somaliland.
Kaasoo ku saabsan sidii ay jaamacadda Unity suxufiyiinta reer Somaliland uga caawin lahayd dhinaca kor u qaadista aqoonta.
Waxaana kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta ururka SOLJA ee magaaladda Hargaysa goob joog ka ahaa guddoomiyaha SOLJA, agaasimaha ururkaasi iyo xubnaha ka socday jaamacadda Unity.

 

COMMENTS
Latest News