Published:

INAA LILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN.

Alle Ha,Unaxariistee Waxaa Galabta Magaalada gabiley ku Geeriyooday Marxuum Aw ciise Jaamac Qaalib oo kamid ahaa Odayaashii kazoo qayb qaatay halgankii dib uxorayta iyo dib udhiskii dalka Somaliland,

Suldaanka Guud ee gobolada gabiley iyo Hargaysa suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan ayaa dhambaal tacsi ah udiray Qoyskii iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum Aw ciise Jaamac Qaalib oo ku magac dheeraa (Aw ciise gacanloo).

Suldaanka ayaa marxuumka alle uga barayay in uu naxariistii jano siiyo qoyskii iyo qaraabadii iyo bahda dhaqanka ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah kasiiyo,

Suldaan ismaaciil ayaa marxuumka ku sigeeyay oday ka baxay bahda dhaqanka iyo waxgaradka gobolka gabiley.

 

News Related