Published:

October 22, 2021 – Written by Editor:

Warning: Trying to access array offset on value of type null in /customers/c/e/3/wajaalenews.net/httpd.www/wp-content/plugins/really-simple-facebook-twitter-share-buttons/really-simple-facebook-twitter-share-buttons.php on line 318

WAJAALE(W,N)-Dugsiga Sare Ee kaamil Ciise Ee Magaalada Wajaale ayaa waxaa ka socota dhismaha laba fasal oo lagu kordhinayo kadib markii uu cidhiidhi ku noqday Ardayda Waxka Barata Dugsigaasi.

Mustafe Kaamil Ciise oo kamid ah dhalinyarada magaalada Wajaale Islamarkaana kamid ah Umadii Uu dhalay Muj kaamil Ciise oo loogu Magacdaray Iskuulkan ayaa gaadhsiiyay deeq u kaga qayb qaadanayo dhismaha labada fasal ee lagu kordhinayo dugsiga kuwaasi oo iskugu jirtay jaajuur iyo jiingad,

Sidoo kale Mustafe Kaamil ciise ayaa ganacsatada reer wajaale Ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dhismaha labada fasal ee Lagu kordhinayo iskuul oo lagu dhisayo iskaa wax uqabso Ismarkaana ay soo abaabuleen gudiyo isku xil saaray waxka qabashada baahiyaha waxbarasho ee magaalada wajaale .

Dhanka kale gudida gacanta ku haysa dhismaha lagu kordhinayo dugsiga sare ee kaamil ciise ayaa iyagu mustafe kaamil iyo asxaabtiisa uga mahad celiyay deeqdan ay soo gaadhsiiyay dhismaha iskuulka oo ay sheegeen in ay ka qaatee qayb wayn.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

News Related