Published:

): Guddoomiyaha guud ee culimaw-diinka Ahlu Wal Jamaaca ayaa marki u horaysay ka hadlay dagaalkii dhawaan iyaga iyo dawlad goboleedka Glamudug ku dhex maray magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Waxaanu masuuliyadda dagaalkii Guriceel ku  eedeeyay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), oo uu ku tilmaamay in ciidamadiisu ay weerar ku soo qaadeen xili ay  culimaw-diinka Ahlu Wal Jamaaca siyaarro dhiganayeen.

Sheikh Maxamuud sheikh Xasan Faarax, oo wararysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya ay la yeelatay BBC ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug, dagaalkii dhawaan ka dhacay Guriceel.

Tallaabooyinka u qorshaysan in ay hadda doonayaan qaadaan iyo halka ay dhaqaalaha ka hellaan ururka Ehlu suna wal jamaaca.

Guddoomiyaha Ahlu Suna ayaa dagaal nasiib darro ah ku tilmaamay dagaalkii dhawaan iyaga iyo Galmudug ku dhex maray Guriceel, isagoona maamulka Galmudug ku tilmaamay mid argagixisadda taageeraya.

 

DAAWO: Waraysigaasi:

https://youtu.be/gYopE2w8peg

News Related