Published:

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta ka qayb-galay furitaanka urur ay ku midaysan yihiin Baananka gaarka loo leeyahay ee ka hawl gala dalkan Somaliland.

Ururkan ay ku midaysan yihiin baananka shirkadaha gaarka loo leeyahay oo dhawaan la aasaasay ayaa  maanta na si rasmi ah loogu dhawaaqay, waxaana guddoomiyaha ururkaasi loo doortay Khaliif Cumar Nuur.

Daah-furka ururkaasi waxaa ka soo qayb galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland,  wasiirka wasaaradda maalgashiga iyo Somaliland, guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland.

Maamuleyaasha iyo madaxda shirkadaha iyo

baananka gaarka loo leeyahay ee ka hawl galla Somaliland,   guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo hadal ka jeediyay furitaanka ururkaasi ayaa soo dhaweeyay in baananka gaarka loo leeyahay ay ururkan samaystaan.

Kaasoo uu ku tilmaamay mid loo baahnaa, isla markaana ka mid ah korriinka iyo horumarka dhaqan dhaqaale ee ay hiigsanayso Somaliland.

C/raxmaan Saylici, waxa uu sheegay in weli aanay bulshadu fahamin muhiimadda ay baananku leeyihii, iyadoo halkii ay lacagtoodda dhigan lahaayeen baananka ama in ay mashaariic horumarineed ku maalgeliyaan in ay geliyeen in ay dhul ku iibsadaan.

Arrintaasi oo uu sababteedda ku tilmaamay madaxweyne ku-xigeenku in ay dadkeenna ay aqoon la’aani ka hayso addeegisga iyo isticmaalka baananka iyo faa’iidadda ay u leedahay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa intaas raaciyay inaqoon la’aanta mujtamaceenna oo aan fahamsanayn sidii ay u abuurri lahaayeen fursado badan oo wadankeena yaalla oo aynu inagu ku fikirno in ay dad dibadda ka imanayaa maalgeliyaan.

Waxaanu sheegay in haddii ay bulshadeenu fahmi lahaayeen faa’iidadda ku jirta in ay lacagaha dhigtaan baananka ama ay mashaariic horumarineed ku maalgeliyaan in lacagta wadankeenna taallaa ay wax badan ka tari lahayd maalgelinta haddii loo hello dadkeedii.

 

DAAWO HADALKA MADAXWEYNE KU XIGEENKA:

 

News Related