Published:

Haayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada aduunka ee WFP ayaa sheegtay in tirada dadka qarka u saaran macaluusha ee waddan Afgaanistaan ay kor u dhaafi doonaan milyan qof.

Madaxa WFP ayaa sidoo kale ku baaqay in si wada jire ah looga hortago masiibada dunida ku soo waajahan.

Agaasimaha WFP David Beasley ayaa sheegay inay ceeb tahay in gaajo lagu eego caruurta iyo dadka ku sugan wadamo dhawr ah oo uu ku jiro dalkan colaadu aafaysay ee afgaanistaan.

WFP waxay sheegtay in cuno yari aad u baahsan ay Afghanistan ka jirto xilligan taasoo keenaysa cabsida ah in dad badan macaluul u geeriyoodaan.
Agaasimaha hay’adda WFP David Beasley oo Axadii booqday dalka Afghanistan ayaa sheegay in gobolada qaar ee dalkaas ay ka jirto xaalad adag oo xagga nolosha ah.
Kaliya Afghanistan maah ee dhawr Dal oo kale oo koofurta Asia ku yaala ayay qeylo dhaan cuno yari ahi ka soo yeedhaysaa.

Dhinaca kale xaaladan macaluusha iyo cunto yaraanta ee soo waajahday dadka reer Afganistan ayaa ka dhalatay kadib markii haayadaha caalamiga ah ay ka baxeen wadankaasi.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay xukunka wadankaasi dib ugu soo noqdeen Taliban, badhtamihii sanadkani.

 

News Related