Published:

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame” oo ka mid ah hal Abuurka reer somaliland ayaa ka dareen celiyay caaqil Cabdirasaaq Askar OO meel Fagaare ah ku aflagaadeeyay hablaha gobolka gabiley isagoo Arimo siyasaadeed ka hadlayay isagoo Abwaanku sheegay in  Caaqilka ay ka hoostay ismarkaana uu ku gafay milgihii iyo Dhaqankii somalida.

 

Abwaan weedhsame ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku Baahiyay barta uu kuleeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee Facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Hablaha imika ma waxa loo guursadaa in cod iyo madaxtinnimo lagu helo?. Habluhu sidooda qiimo uma laha miyaa, ee kursiga la qiimaynayo si loogu gaadho ayaa sallaan looga dhiganayaa?

Caaqilkaas Burco ka hadlay way ka hoostaye, Habluhu waa isku wada mid, mana kala jiraan hablo loo guursado in cod lagu helo iyo qaar loo guursado cugasho iyo dookh.

Waxse iga talo ah, hablaheenu waa birmageydee aynu wada ilaalino, oo hadalada meel ka dhaca ah ha laga daayo.

News Related