Published:

Wararka naga soo gaadhaya degmada Taleex ee gobolka Xaysimo ee Somaliland, ayaa waxaa ay sheegayaan in Roob dabaylo watay oo khasaare sababay ay ka da’een Degmadaasi.

Roobkan dabaysha watay, ayaa lagu soo waramayaa inay waxyeelo hantiyeed gaadhsiiyay Magaalada Taleex, waxaana ka dhashay khasaare aad u ba’an iyada oo burburisay dhismayaal la deggan yahay iyo kuwo Ganacsi.

Roobkan, oo aan badnayn balse watay dabayl duufaan oo kale ah, ayaa sidoo kale waxyeelo gaadhsiiyay Suuqii Bacadlaha ee degmadaasi, iyada oo wixii alaaba ee ku jirayba ay qaaday dabayshu.

Sidoo kale, waxaa lagu soo waramayaa in roobabkan dabaysha watay uu ku dhaawacmay inta ilaa iyo imika la xaqiijiyay Hal Qof, iyada oo khasaaraha Hantiyeed gaadhayaan illaa 500.000 kun dollar.

Degmada Taleex ee gobolka Xaysimo oo ah degmo qadiimi ah, ayaa dhul ahaan ka mid ah Somaliland.

 

News Related