Published:

– Waxaa maanta magaaladda Gabiley kulan ku yeeshay wasaarradaha dowladda Somaliland ee loo yaqaano daneeyeyaasha horumarinta reer Miyiga.

Shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda horumarinta reer Miyiga Somaliland waxaa ka qayb galay badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo uu wehelinayay badhasaab ku-xigeenka Gabiley Cali Case.

Sidoo kale, waxaa kulankaasi ka soo qayb galay wasaarrado iyo haayado dawladeed oo ilaa toban gaadhaya.

Shirkaasi oo uu guddoominayay agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta reer miyiga, ayaa lagu falan qeeyay sidii wasaarradaha iyo haayadaha dawlada ee loo yaqaano daneeyeyaasha horumarinta reer miyigu ay u wada shaqayn lahaayeen.

 

Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa tallaabo mudnaanteedda leh ku tilmaamay inay si macna-wiyan ah shaqada u wada qabtaan Daneeyaasha Horumarinta Reer Miyigu.

“Waxaan aad ugu farax sanahay in wasaarada horumarinta reer Miyigu ay maanta isugu kaayo keeno shir ay soo qaban qaabisay, wasaarada horumarinta reer miyiga gaar ahaana agaasimaha guud ee wasaaradaasi.

Waanna talaabo mudnaanteeda leh, in ay si macna-wiyan ah shaqada u wada qabtaan Daneeyaasha Horumarinta Reer Miyigu” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

 

Daneeyaasha reer Miyiga ee kulankaasi ka soo qayb galay ayaa kala ahaa:
1:- Wasarada Hormarinta  Beeraha
2:- Wasarada X.Xoolaha & H Kaluumaysiga
3:- Wasaarada Deegaanka & Isbadalka Cimilada
4:- Wasaarada Caafimaadka
5:- Wasaarada Shaqo-Galinta ,Arimaha Bulshada Iyo Qoyska
6:- Wasaarada Hormarinta Khayraadka Biyaha
7:- Wasaarada Waxbarshada & Sayniska
8:- Wasaarada Tamarta & Macdanha
9:- NADFORD

News Related