Faysal Cali Waraabe: “Saaxiibkay Muuse Biixi Waxan Kula Talinayaa In Uu Iscasilo”
June 13, 2022 - Written by admin
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa fariin culus oo xaasaasi ah u diray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu kula talinayo in uu iscasilo, islamarkaana kuna wareejio xilka inta u hadhay ku xigeenkiisa, si buu yidhi dalka looga badbaadiyo fawdo iyo buburbur.
Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in mudaharaadkii Ceerigaabo ee lagaga hortagay Madaxweyne Biixi uu muujinaya sida uu u lumiyay kalsoonidii Shacbiga.