Gabileynewsonline.com
Shabakada Gabiley News Network
Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Xakamaynta Tahriibinta Dadka
June 5, 2022 - Written by admin

Golaha Wakiiladdhha Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeerka ka hor tagga iyo xakamaynta ka ganacsiga tahriibinta dadka ee Xeer Lr.101/2021-ka.
Xeerka xakamaynta tahriibka dadka oo shalay loo qaybiyay golahaasi si ay u soo akhriyaan ayay fadhigii maanta ku ansixiyeen xeerkaasi. Kaasoo golaha Guurtida dib uga soo noqday, isla markaana ay ku soo celiyeen golaha Wakiiladda.


Waxaana mar kale xeerkaasi loo gudbin doonno golaha Guurtidda Somaliland si ay dood, falan-qayn, iyo naaqishaad uga yeeshaan, kadibna u ansixiyaan.
Fadhiga maanta ee golaha Wakiiladda oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi C/rasaaq Khaliif Axmed, ayay mudaneyaashu ku ansixiyeen xeerka ka hor tagga iyo xakamaynta ka ganacsiga tahriibinta dadka ee Xeer Lr.101/2021-ka.

COMMENTS
Latest News