|
|||||
Gabileynewsonline.com
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Taliyeyaal cusub u Magaacabay Ciidammada Sirdoonka, Badda iyo Laanta Socdaalka. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu Maanta Magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee cusub u Magacaabay Siciid Xasan Habbane, kaasi oo beddelaya Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta oo uu Toddobaadkan beddelay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa isla Maanta Taliyeyaal cusub u Magacaabay Ciidammada Sirdoonka Qaranka, Ciidammada Laanta Socdaalka Somaliland iyo Ciidammada badda ee Jamhuuriyadda Somaliland. Ma jiro War rasmiya oo Madaxtooyadu ku shaacisay Taliyeyaasha la Magacaabay, balse Ilo-wareedyo xog-ogaal ah, ayaa Shabakada Hargeisapress u sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu Taliyaha cusub ee Ciidammada Sirdoonka Qaranka u Magacaabay Faysal Guhaad Cabdi Gahayr. Madaxweynaha, ayaa Taliyaha cusub ee Ciidammada Laanta Socdaalka u Magacaabay Maxamed Xuseen Xiirane oo hore u ahaa Taliyaha Ciidamada badda, halka uu Taliyaha cusub ee Ciidammada Badda u Magacaabay Axmed Hurre Haariye. Madaxweynaha, ayaa sidoo kale General Axmed Hurre Haariye oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamadda Milateriga u magacaabay Taliyaha cusub ee ciidanka Badda Somaliland.
COMMENTS
|
Latest News
|