Published:

): Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Naasir Caydiid, ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi.
Naasir Caydiid, ayaa is casilaadiisa ku sababeeyay arrimo shakhsi oo isaga u gaar ah darteed inuu xilkaasi iska casilo, inkastoo aanu si cad Carrabka ugu dhufan waxa ay yihiin sababahaasi.
Wasiir ku-xigeenkii amniga goboladda iyo degmooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha oo khadka telefoonka ugu waramay SAHAN Tv, ayaa xusay inuu dib ka soo sheegi doono waxa ku kalifay inuu is casilo.

News Related