Published:

): Wasiirka Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Waaxda Manaahiijta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxaa kulankaasi ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf.
Kulankan ay wasiirka iyo agaasimaha la yeesheen Agaasimaha Waaxda Manaahiijta ee wasaaradda Waxbarashada Maxamed Cali Cumar, waxa kaloo joogay hawl wadeenada gacanta ku haya maadadda barashada Waddaniyada ee dugsiyada hoose, Dhexe iyo Sare ee Somaliland.
Waxaana kulankaasi lagu lafo gurey halka ay marayso Maadada barashada Waddaniyadda oo gebo gebo ku dhaw sida ay sheegeen masuuliyiinta waaxda manaahiijta ee gacanta ku haya.
Intii uu socday kulankaasi ayay masuuliyiinta labadda dhinaca ku gorfeeyeen halka ay marayso hawsha diyaarinta maadadda Waddaniyadda, iyo sidii sanad-dugsiyeedka waxbarasho ee sanadkan ee dugsiyadda hoose, dhexe, iyo sareba loogu dari lahaa.
Waaxaana gebagebadii kulankaasi uu ku soo dhamaaday is af-garad, iyadoo wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi ay masuuliyiinta waaxda Manaahiijta uga mahad celiyeen sida ay isaga xil saareen gudashadda waajibaadkoodda.
Geesta kale kulankaasi oo ka dhacay xafiiska Wasiirka Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland waxa kaloo goob-joog ka ahaa agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka Maxamed Cismaan Cabdilaahi iyo qaar ka mid ah la taliyeyaasha wasaaradaasi.

 

News Related