Published:

Fadhigii 96aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga hadlay qodobbo door ah.

Ugu horreyn, goluhu waxa uu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu ka xog-warramay xaaladda amniga dalka.

Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeystay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda  Dr. Sacad Cali Shire oo golaha uga xog-warramay geeddi-socodka diyaarinta miisaaniyad sannadka 2023-ka iyo meelaha ay miisaaniyaddu muhiimadda saarayso, sidoo kale wasiirku waxa uu golaha la wadaagay war-bixinta shirka madasha dhaqaalaha Somaliland (Somaliland Economic Forum) kaasi oo la qabandoono horaanta bisha September ee sannadkan.

Dhinaca kale, Wasiirka Caddaalladda Somaliland mudane Saleebaan Warsame Guuleed ayaa golaha wasiirrada horkeenay xeerka Adeegga Kaalmada ee dadka aan qabsan Karin Qareen udooda, xeerkan oo ay wasaaradu la kaashatay diyaarintiisa xafiiska Garyqaanka Guud ayaa wasiirku waxa uu sharraxay qaybaha uu ka kooban yahay iyo muhiimadda uu u leeyahay dadka aan awoodin in ay qabsadaan Qareen udooda.

Gaba-gabaddii shirka, golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka Ciidanka Dab-damiska Somaliland oo doodiisu golaha ka socotay fadhiyadii golaha ee kan ka horreeyey, waxana  oggolaaday 29 xubnood, waxa diiday  2 xubnood, cid ka aamustayna may jirin, sidaasina uu ku ansaxay xeerkaasi.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JS

News Related