Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Maanta Kooram La’aan U Furmi Waayay
July 3, 2022 - Written by admin
Fadhigii maanta ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa u baaqday Kooram la’aan, maadaama oo ay xildhibaano badani maqnaayeen.

Fadhiga maanta oo uu shir gudoominayay Gudoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda Cali Xaamud Jibriil, ayaa saaka koorom la’aan u buux sami-waayay.
Waxaana fadhigaasi ka soo xaadiray 37 mudane oo kaliya, oo ka mida 82-ka xildhibaan ee uu goluhu ka kooban yahay.
