Madaxwaynaha Jsl Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Qaarkamid ah Madax-dhaqameedka Bariga Burco
July 26, 2022 - Written by admin
Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabiley Salaadiin ka socday Gobollada Togdheer, Sanaag, Saraar iyo Saaxil oo uu madaxweynuhu u fidiyey martiqaadka kulanka.


Waxaana Kulankaa Lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen horumarka dalka, nabadgelyada iyo xaalada Dalka. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad iyo jawi wanaagsan.