Published:

Xildhibaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax), ayaa kulan la yeeshay jaaliyadda reer Somaliland ee dalka UK ku nool.
Xildhibaan Laab-saalax, oo ka mid ah xubno xildhibaano ah oo booqasho ku jooga dalka UK ayaa jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda siyaasadeed, dhaqaale, iyo nololeed dalka.
Waxaanu ka hadlay xildhibaanku xaaladaha sicir bararka ee dalka ka jira, iyo saamaynta xun ee uu ku yeeshay nolosha bulshadxa reer Somaliland.
Arrimaha siyaasadda mar uu ka hadlayay waxa uu sheegay in xeerka loo yaqaano xeer 14 iyo xeer 23, oo wax ka bedel lahu samaynayo uu hor yaallo golaha Wakiiladda in ujeedo ay ku hoos jirto sababta xeerkaasi golaha loo hor keenay.

 

News Related