Published:

GABILEY(W,N)-Midkamid ah Beelaha Dega Gobolka Gabiley Ayaa Doortay Chief Caaqil Cusub Kaasi oo badali doona Caaqilkii Hore Ee Beesha oo dhawaan Geeriyooday,

Waxgaradka iyo odoyaahsa beesha baho Cali (Reer Yoonis Jibriil Abokor) oo shir ku yeeshay Deegaanka Goray Ee Duleedka Magaalada Gabiley ayaa Cheif Caaqil Udoortay Shucayb Maxamed Maxamuud kaasi oo buuxin doono booskii uu ka Geeriyooday alle ha,unaxariistee Caaqil Cabdi Cumar.

Chief Caaqil Shucayb Maxamed Maxamuud Ayaa mudo kusoo Dhex jiray Bahda dhaqanka ee beesha lana soo shaqeeyay Gudiyada beesha Iyo Guud ahaan madaxda dhaqan ee gobolka Gabiley Kaasi oo ah caaqil dhalinyaro ah oo aqoon uleh Dhaqanka.

News Related